Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka oo Axad ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii uu soo afjaray booqashadiisii dalka Masar.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa Garoonka Aadan Cabdulle kusoo dhaweeyay Wasiirro, Xildhibaanno iyo Madax kale oo katirsan labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Farmaajo Saxaafadda lama uusan hadlin markii uu kasoo dagay Garoonka.

Madaxweynaha ayaa kasoo qeybgalay Shirka labaad ee Ganacsiga Africa oo sanadkan 2017 lagu qabtay magaalada xeebta ku taalla ee Sharmal Al-Sheekh, dalka Masar kaasi oo diirada lagu saaray maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga qaaradda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay abuurta jawi nabad ah oo u suurta gelinaya caalamka inuu maalgashado, isagoo hoosta ka xaqiiqay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Africa iyo khayraad badan oo dhulka ah.

Waa booqashadii labaad oo Farmaajo ku tago Masar tan iyo bishii August ee sanadkan.

Waxa uu Madaxweynaha uga soo tagey Masar xubno la socday wafdigiisa oo uu kamid yahay Yuusuf Garaad, oo ka qeybgalaya shir deg deg ah oo wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ku leeyihiin Qaahira kaasi oo looga hadlay go'aankii Trumo ee Qudus.

Wasiirada ayaa la filayaa in shirkooda kasoo saaraan go'aan midaysan oo ku aadan arinta Qudus iyo aqoonsiga Trumo u aqoonsaday magaaladaasi bakaraysan inay tahay caasimadda Israel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM