Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Itoobiya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada dariska ah ayaa gaaray magaalada Addis-ababa ee Xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis, Mas’uuliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Workneh Gebeyehu.

Madaxweyne Farmaajo oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in safarkiisa uu salka ku hayo sidii loo dar-dar gelin lahaa dagaalka ka dhanka Al-Shabaab isla markaasna loo midayn lahaa qorshayaasha wadamada geeska Afrika ee ay ku wajahaayaan ka hor-tagga khatarta argagixisada.

Ra'iisul Wasaare Hailemariam Desalagn, ayaa ku qaabilay Farmaajo qasriga Madaxtooyadda Addis Ababa, waxaana ay leeyihiin wadahadallo muhiim ah, oo ku saabsan xiriirka labada dal ee deriska ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay booqasho ku tagey Uganda, oo xalay kula soo kulmay dhigiisa Yower Museveni, iyadoo kulankooda diirada ku saareen arrimo quseeya amniga gobolka iyo dagaalka Al shabaab. Halkan ka akhri.

Waxa uu Madaxweynaha sidoo kale socdaalkiisa geeska Africa ku tagi doonaa ligtii ugu dambaysay dalka Jabuuti, waxaana uu la kulmi doonaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Safarkan ayaa salka ku hayo qorsho madaxweynaha uu taageero ugu raadinayo dalalka Soomaaliya ay ciidamada ka joogaan, gulufka colaadeed ee dowladiisa ay ku doonayso inay Al shabaab uga sifeyso guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxkamadda Ciidamada oo dooneysa in xasaanad laga qaado xildhibaano huriyay colaad

Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa dhigaya in xildhibaan aan maxkamad la horgeyn karin ilaa xasaanaddiisa laga qaado.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 08:14PM

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM