Madaxweyne Farmaajo oo hortagaya Barlamanka Federaalka Soomaaliya [AKHRI]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya oo waraaq u direy godoomiye-yaasha labada aqal ee Barlamanka ayaa la filayaa in maalinta berri ah 21 Oct,2017 hortago golaha sharci dajinta iyadoo warar laga soo xigtey Ra'isal wasaare Khayre sheegayaan in halkaas uu kaga dhawaaqi doono in dalka xaalad dagaal la galinayo.

Qoraalkaan soo gaarey saxaafada oo ku socdey gudoomiyaha aqalka sare ee Barlamanka Soomaaliya ayaa Madaxweyne Farmaajo ku xusey qodobada Dastuurka ee siinaya in labada aqal si wadajir ah isugu yeeri karo isagoo sheegey in xaalada dalka ku jiro khasbeyso kulankaan.

Talaabda Madaxweynaha Soomaaliya ku dalbanayo kulankaan ayaa timid Lix Berri kadib markii weerar qarax ah oo lala beegsadey dad shacabka ah ku dhinteen 300 qof halka dhaawacyadu ku dhow yihiin 500 qof.

Lama saadaalin karo talaabada Madaxweyne Farmaajo qaadi doono iyadoo muddo hadda laga joogo Lix Bilood sidaan oo kale xaalad dagaal dalka u galiyey kadib markii weeraro kuwaan ka khasaaro yar kooxda Al Shabaab la beegsadeen dadka shacabka ah ee degan magaalada Muqdisho. Ka Dhageyso Hoose

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bishii April markii uu xaalad dagaal ku dhawaqeyey aan hortagin Barlamanka Federaalka Soomaaliya sidaan oo kale.

Wadanka Soomalaiya oo u qaybsan maamul goboleedyo iyo dowlada Federaalka ah ee dhexe kuwasoo waqtiga xaadirka ah aan xiriir wanagsan laheyn ayaa waxaan ka jirin ciidamo qaran oo tayo leh kuwasoo ku tiirsan tageerada wadamada xoogaga AMISOM dalka ka jogaan.

Dagaal galinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinac kale waxaan la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan wadamada ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dalalka reer Galbeedka oo uu Mareykanku ugu horeeyo kuwasoo Villa Soomaaliya ku tiirsan tahay.

HOOS KA AKHRI WARAAQDA MADAXWEYNE FARMAAJO U DIREY GUDOONKA BARLAMANKA

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM