Madaxweyne Farmaajo oo ka dagay Khartuum

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaliya- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta ka dagay magaalada Khartuum ee caasumadda Waddanka Suudaan, kadib markii uu casuumad rasmi ah ka helay dhigiisa Cumar Xasan Al Bashiir.

Booqashadan oo aan ahayn tii ugu horaysay ee uu ku tago waddankaas ayaa la sheegay inay qaadan doonto muddo labo maalmood ah, waxa uuna la kulmi doonaan madaxda waddanka Sudan isagoo kala hadli doono arrimo ay kamid tahay amniga, waxbarashada iyo siyaasadda gobolka.

Wasiiro, Xildhibaanno, Marwada koowaad ee dalka iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya, ayaa Madaxweynaha ku wehliya safarkiisa Sudan.

Garoonka diyaaradaha Khartuum ayaa soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay. Warar ayaa sheegaya  in Madaxweyne Farmaajo la kulmi doono jaaliyadda Somalida ee dalkaas ku sugan.

Socdaalkan ayaa yimid maalin kadib markii Farmaajo uu kasoo laabtay dalka Sucuudiga halkaasoo uu ku maqnaa labo cesho, isagoo la kulmay Boqor Salmaan.

Sacuudiga, ayaa sida Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somaliya Eng Yariisow uu sheegay ugu deeqay lacag gaaraysa $50 Milyan oo Doolar, taasoo loogu tala galay in lagu kabo Miisaaniyad dalka.

Somaliya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan kala dhaaxeeya Turkiga oo kamid ah dowladaha taageeray Qadar, kana soo horjeeda go'doominta dalalka Sacuudiga iyo Xulufadiisa kusoo rogeen Doha.

Deeqdan dhaqaale ee Sacuudiga ayaa timid xilli Dowladda Federaalka ay mowqif dhex-dhexaadnimo ka qaadatey Khilaafka Khilaajka, iyadoo go'aankaasi ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah maamullada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkii dambe booqasho ku tagayay dalal xiriirka u jaray Qadar, oo uu kamid ah wadanka Masar.

GAROWEONLINE

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM