Madaxweyne Farmaajo oo Maqaam gaar ah u yeelay Cadaado

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku guuleystay inuu soo afjaro xiisaddii Siysaadeed ee ka taagnayd magaalada Cadaado, ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saaka dib ugu laabtey Cadaado, isagoo Odayaasha deegaanka iyo Siyaasiyiinta beesha Saleebaan ku qanciyay in magaalada ay noqon doonto xarunta Baarlamaanka Galmudug, sidaasina lagu xaliyay tabashadooda.

Odayaashii iyo Waxgaradkii gadoodsanaa ayaa sheegay inay ku qanceen hadalka Madaxweynaha, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan maamulka Galmudug, iyagoo aqoonsaday Heshiiskii awood-qeybsiga Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa safarkiisa Galmudug ugu magacdaray "Safarka dib u heshiisiinta", isagoo waqti badan iyo dedaal dheeri ah ku bixiyay soo afjarida kala qeybsanaantii ka jirtay gobollada dhexe iyo khilaafkii Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Wafdiga Madaxweynaha oo mudo 3 maalmood ku sugnaa Caabudwaaq ayaa sameeyay wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Caabudwaaq waxa uu dhagax dhigay Wado dheer oo isku xirta Hobyo iyo Caabudwaaq, taasi oo lacagta lagu dhisayo ay bixin doono dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM