Madaxweyne Farmaajo oo markale Al Shabaab ugu baaqay dib u heshiisiin

Image

MUQDISHU, Somalia - Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku celiyay markale in dowladiisa ugu baaqayso Al shabaab inay ogolaadaan dib u heshiisiin, islamarkaana ay joojiyaan leynta shacabka.

"Waxaan leenahay Al shabaab kaalaya aan wadahadalno, oo hubka dhiga, waxaad u baahan tihiin diyaar baan u nahay, ee ogolaada marka hore dib u heshiisiin iyo inaad joojisaan dilka shacabka iyo burburinta hantidooda," ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha in dowladdiisa doorteen shacabka, islamarkaana aysan ku imaan awood military, sidoo kalena ay albaabadeeda u furan yihiin inay la hadasho qof kasta oo mucaaradsan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu yiri: Kuwa ajbaniga ah ee dalkeena kusoo dhuumanaya, ee ka shaqeynaya inaysan shacabka Somalia helin Nabad iyo dowlad wanaagsan."

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay la hadasho Al Shabaab si loo soo afjaro dhibaatooyinka daba-dheeraadey, ee ay wajahayaan Shacabka mudada ka badan 25-ka sano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la caleema saarey u fidiyay Al-Shabaab cafis mudo labo bilood ah, isagoo ugu baaqay dagaalamiyaasha kooxda in ay kusoo biiraan dowladda, kana qeyb noqdaan dib u dhiska dalkooda.

Al shabaab ayaan la ogeyn inay aqbali doonto baaqa Madaxweynaha, kaasi oo Madaxdii dowladihii ka horeeyay sidan oo kale u jeediyeen, islamarkaana ay Kooxdan xiriirka la leh Al Qaacida ka diiday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo xiriir la samaysay Laftagareen si looga hor tago doorasho inuu qabsado

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya haddii cadaadiskan uu sii socdo, in Laftagareen uu ka bixi karo isbaahaysigii hore.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 07:27PM

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM