Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay dalka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u ambabaxay saaka magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka kala tirsan labada golle ee dowladda, ayaa ka qeybgalaya Caleema-saarka Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacaysa Berri magaalada Nairobi.

Uhuru Kenyatta ayaa ku guuleystay doorashadii ku celis ahayd ee 26-kii bishii lasoo dhaafay ka dhacday wadanka Kenya, taasi oo natiijadeeda ay aqbashay Todobaadkii tagey Maxkamdda sare ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo caleema-saarka Uhuru kadib uu usii gudbi doono magaalada Abidjan ee xarunta dalka Ivory Coast, kaasi oo ka furmaya shir socon doono 28 ilaa 29-ka bishan November, 2017.

Shirka Abidjan ahaa ah mid ay ku kulmayaan hogaamiyaasha Africa iyo Midowga Yurub, kaasi oo looga hadli doono arrimaha tahriibka, dhaqaalaha, Siyaasadda iyo sabool-tinimada ka jirta qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM