Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu aad u liito xiriirka labada dal.

Mas'uuliyiin katirsan labada golle ee dowladda, oo Xildhibaanno iyo Wasiirro kamid yihiin ayaa Madaxweyne Farmaajo ku wehliya safarkiisa dalka Isu taga Imaaraadka, waxaana la filayaa in magaalada Abu Dhabi kula kulmaan Madaxda dalkaasi.

Booqashada Madaxweynaha oo ah midii labaad oo uu ku tago UAE ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya labada dowladood, kaasi oo ka dhashay go'aankii dhexdhexaadka ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay Xiisada u dhaxaysa wadamada Khaliijka.

Qodobada Kulanka Farmaajo uu laqaadan doono madaxda Imaaraadka ayaa la filayaa inuu kamid noqdo khilaafka jira, inkastoo aan la ogeyn in dowladda Federaalka bedeli doonto go'aankeedii hore.

Imaaraadka ayaa kamid ah dalalka taageerada siiya dowladda Federaalka oo tababar u siiyeen ciidamo badan, iyadoo shirkado laga leeyahay UAE ay mashaariic horumarineed ka wadaan qeybo kamid ah dalka.

Xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa xiriirka u jaray June 5 dalka Qadar, oo cilaaqaad soo hagaagaya kala dhaxeeya Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM