​Madaxweyne Farmaajo oo u dhoofay Sacuudiga

Image

MQUDISHO, Somaaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaaliya, Maxamed Cabdullaahii Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka u ambabaxay dalka Sacuudiga.

Madaxweynaha oo safarkiisa ay ku wehliyaan Madax kala duwan, oo katirsan Labada Golle ee dowladda, ayaa ka dhaafay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda magaalada Jeddeh.

Ujeedka Safarka Madaxweynaha ee Sacuudiga, ayaan wali la shaacin, balse Wararka hoose oo uu Warsidaha Garowe Online ka helayo Villa Somalia, ayaa sheegay in Farmaajo uu soo dhamaystiri doono heshiisyo qabyo ah, oo bishii February lasoo saxiixday Boqor Salman Bin Cabdicasiis.

Waa Socdaalkii 3aad oo Madaxweyne Farmaajo ugu ambabaxo dalka Sacuudiga tan iyo markii la doortey bishii February, ee sanadkan 2017-ka, waxaana safarkan uu kusoo aadayaa xilli dowladdiisa iyo qaar kamid ah maamul goboledyada ku kala qeybsameen Khilaadka Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM