​Madaxweyne Farmaajo oo u safray Sudan [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Somaliya - Madaxweynaha Dowladda Federaalka Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta u safray dalka Sudan, kadib markii uu Casuumaad rasmi ah ka helay Dhigiisa dalkaasi, Cumar Xasan Al Bashiir.

Booqashada Madaxweynaha ee Sudan, ayaa qaadan doonto mudo labo maalin ah, waxaana uu sii marayaa dalka Ethiopia, kahor inta uusan Khartoum u dhoofin, sida aan wararka ku helayno.

Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu kulan la qaato Jeneraal Cumar Xasan Al Bashiir, oo ay kawada hadli doono arrimaha amniga, Siyaasadda, Waxbarashada iyo xoojinta xiriir labada dal.

Wasiiro, Xildhibaanno, Marwada koowaad ee dalka iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya, ayaa Madaxweynaha ku wehliya safarkiisa Sudan.

Safarkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii uu Madaxweynaha kasoo laabtey dalka Sacuudiga, halkaasi oo uu ku maqnaa mudo labo maalmood ah, isagoo kula soo kulmay Jeddah Boqor Salman.

Sacuudiga, ayaa sida Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Eng Yariisow uu sheegay Warbaahinta, ayaa ugu deeqay lacag gaaraysa $50 Milyan oo Doolar, taasoo loogu tala galay in lagu kabo Miisaaniyad dalka.

Somaliya ayaa sidoo kale xiriir wanaagsan kala dhaaxeeya Turkiga, oo kamid ah dowladaha taageeray Qadar, kana soo horjeeda go'doominta dalalka Sacuudiga iyo Xulufadiisa kusoo rogeen Doha.

Deeqdan dhaqaale ee Sacuudiga ayaa timid xilli Dowladda Federaalka ay mowqif dhex-dhexaadnimo ka qaadatey Khilaafka Khilaajka, iyadoo go'aankaasi ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah maamullada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkii dambe booqasho ku tagayay dalal xiriirka u jaray Qadar, oo uu kamid ah wadanka Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM