Madaxweyne Farmaajo oo xilalka u kala wareejiyey taliyeyaal ciidan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Arbacada maanta ah xilalkii u kala wareejiyey taliyeyaasha ciidamadda Badda iyo Lugta.

Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa "loo gartay" inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Badda, sidda lagu sheegay wareegto kasoo baxday Madaxtooyadda.

Intaas waxaa wehlisa, in Cabaas Amiin Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidamadda Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Cabdinuur Maxamed Axmed, agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya, ayaa magacaabida ku xaqiijiyey baraha bulshadda.

"Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa loogu magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Badda, halka Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed," ayuu soo qoray.

Wuxuu raaciyey: "Labada Sarreeye ee loo kala wareejiyay xilalka ayaa Madaxweynuhu u rajeeyay in Eebe uu u fududeeyo waajibaadka qaran ee loo igmaday".

"Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah," ayay Villa Soomaaliya tiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa "taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla".

Bishii October 10-keeda sanadkii lasoo dhaafay ee 2019-kii ayay ahayd markii Jeneraal Cabdixamiid laga dhigay Taliyaha Ciidanka Lugta.

Cabdixamiid oo waaya aragnimo ka haysta dhanka ciidamadda ayaa soo qabtay xilalka kala ah; Taliyaha Ciidanka PSF-ta Puntland ee Gobalka Nugaal iyo Taliyihii KMG ahaa ee Qaybta Booliska isla Gobalka Nugaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM