Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaarey Muqdisho [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliaya - Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goordhaw kasoo degay Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho, ee Aadan Cadde.

Madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan labada golle ee dowladda Soomaaliaya ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay wafdiga Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana uu salaan sharaf ka qaatey cutunto katirsan ciidamada qalabka sida.

Fanaanka Xasan Aadan Samatar oo mudooyinkii dambe ku noolaa dalka Jabuuti, ayaa la socda Ismaaciil Cumar Geelle oo hal diyaarad ay kuwada yamaadeen Muqdisho.

Wadooyinka Muqdisho ayaa saaka loo xiray booqashada Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana dowladda Federaalka ay tallaabadan u qaadey inay ku adkayso amaanka, lagana hortago weeraro argagaxiso.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u yimid Muqdisho inuu xariga ka jaro Safaarad cusub ee Jabuuti ka dhisatay Caasimadda, gaar ahaan degmada C/casiis, halkaasi oo sidoo kale ay ku yaallaan Safaaradaha Imaaraadka iyo Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM