Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kormeer ku tagay xiro laga saaray Ciidamo Itoobiyaan ah

Image
Kooxda “AS” ayaa wali ku xooggan maamulka Jubbaland.

Kismaayo, Soomaaliya - Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowlad-Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kormeer ku tagay dugsiga Tababarka Ciidamada daraawiishta Jubbaland (Madhammaato).

Madaxweyne ku xigeenka ayaa halkaasi kula hadlay Ciidamo cusub oo ka mid ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland, kuwaas oo loo diyaariyay la dagaalanka kooxda “AS”.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa khudbad dhiiri-gelin ah oo ka hor jeediyay ciidamada ku sheegay:

“Waxaa qeyb ka tihiin dadaalka loogu jiro sidii anmiga degaannada Jubbaland loo sugi lahaa waxaana ka qeyb qaadan doontaan dagaalka dalka looga saarayo kooxda AS”.

Xerada (Madhamaato) ayaa waxaa dhawaan laga saaray Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan Hawlgalka ATMIS, waxaana halkaas la wareegay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Kooxda “AS” ayaa wali ku xooggan maamulka Jubbaland mana jira guluf colaadeed oo la mida kuwa “AS” looga saaray deegaannada muhiimka ah ee ka maamuli jirtay gobollada dhaxe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM