Madaxweyne Qoorqoor iyo James Swan oo kulmay

Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa Axada maanta ah waxaa lagu soo dhaweeyay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] oo uu wehliyo ku xigeenkiisa iyo Swan ayaa wadahadalo ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ee sanadka 2020-21 waxay ku yeesheen Madaxtooyadda Dhuusamareeb.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya [UNSOM] ayaa lagu fahfaahiyey ujeedka booqashadda diblumaasiga.

"Mas'uuliyiin sarre oo ka tirsan Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kana kala socday @UNDPSomalia iyo @WFPSomalia ayaa maanta Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor] iyo kooxdiisa kalana hadlay taageeradacaalamka  dhanka doorashooyinka 2020-21 ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka Soomaaliya  ayna kamid tahay dhanka siyaasadda, horumarinta iyo arrimo kale," ayaa lagu yiri bayaanka.

Socdaalka uu Swan ku marayo xarumaha maamul goboleedyadda ayaa qeyb ka ah dedaaladda Beesha Caalamka ku dooneyso in xal looga khilaafka doorashooyinka kahor inta aan la gaarin 8-da Febraayo oo maalmo naga xigto.

Is-faham-waaga haatan jira waxaa xudun u ah; ciidamadda dowladda federaalka ku daabushay gobolka Gedo, guddiyadda ay xukuumadda ku dartay xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn iyo xulista wakiiladda Somaliland.

Swan ayaa la filayaa in uu socdaal ku maro xarumaha dowlad goboleedyadda isaga oo horey u booqdey magaala madaxda Koonfur Galbeed Baydhabo halkaas oo uu kula kulmay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM