Madaxweyne Xaaf oo eedeeyay dowladda Somaaliya [Sawirro]

Image
Image
Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa dalka Imaaraadka ayaa maanta dib ugu laabtey magaalada Cadaado.

Shir Jaraa'id oo uu ku qabtey Cadaado, ayaa Madaxweyne Xaaf waxa uu ku sheegay in Diyaaraddii uu la socday ay mudo 5 Saacadood lagu xanbinay magaalada Hargeysa, oo uu Taraansit kusoo ahaa.

Xayiraadda Safarkiisa wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka Somaaliya, oo uu sheegay inay hadda kula jirta dagaal qaraar Galmudug, taasi oo sida uu sheegay dhabar jab ku ah shacabka uu hogaamiyo.

"Diyaaraddii aan watay 5 saacadood ayaa lagu xiyiray Garoonka Diyaaradaha Hargeysa, waxaana ay taasi muujinaysaa in Dagaal cidiya-dirir oo aan fiicnayn ay dowladda Federaalka nagula jirto," ayuu yiri Xaaf.

Wuxuu intaasi ku daray in dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso maamulkaasi, waxaana uu ugu baaqay beesha caalamka iyo dowlad goboleedyada inay soo farageliyaan dhibaatada soo kordhaysa.

Hadalka Xaaf ayaa kusoo beegmaya, xilli Khilaaf xooggan, uu ka dhex-jiro Hogaanka sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo ka dambeeyay taageeradii uu Xaaf u fidiyay Xulufada Sacuudiga, ee xiriirka u jaray Qatar.

Khilaafka ayaa u muuqday mid salka ku haya arrimo qabiil, marka dhinac laga eego, maadaama ay Gudoomiyaha Barlamanka Galmudug iyo Madaxweyne Ku xigeenka ay taageereen dowladda Federaalka go'aankii dhex-dhexaadnimo ee ay ka qaadatey Khilaafka Khaliijka.

Xaaf ayaa ku doodaya in xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka uu mugdi soo kala dhex-galay, kadib markii uu dhinac la saftay dowladaha Khaliijka ee is-khilaafsan.

Halkan ka akhri War Saxaafadeedka

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay yihiin caqabadaha hortaagan in loo daabaco lacag cusub oo Soomaaliya leedahay?

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa saxaafadda u sheegay in guud ahaan mashruucu ku kacayo illaa $70 milyan.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 05:39AM

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM