Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Degmada Aadan-Yabaal

Image

AADAN YABAAL, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo uu kormeer ku tagayo xeryada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ah ee ku howln dib u xoreynta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu ku guda jiro booqashadiisa Aadan-Yabaal waxa uu kulamo la qaadan doona saraakiisha ciidamada xoogga dalka, kuwa deegaanka, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn uga qeyb qaatay abaabulka iyo dardargelinta howlgallada dalka looga ciribtirayo “AS’ ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii jiri doono inta laga ciribtirayo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa si heer sare ah ku madaxweynaha soo dhoweeyay degmada Aadan-Yabaal, iyadoo sidoo kale ay soo dhoweeyeen, Taliska Ciidamada oo ugu horreeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin, iyo mas’uuliyiin kale. .

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee degmada Aadan-Yabaal ayaa qeyb ka ah abaabulka uu wado madaweynaha oo ku xaqiijinaya ballan-qaadikiisi ku aadan Soomaaliya oo xor ka ah ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Soomaaliya oo Diidey in Beesha Caalamka Cod Mideysan Kaga Hadasho Arrimaha Gudaha

Qoraalka Wasiiru Dowlaha ayaa u muuqda mid looga hortagayo in dalalka C6+ ay si wadajir…

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 04:29AM

Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doomin Siyaasadeed Ka Hor Doorashada 2026

Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo, ayaa sidoo kale wajahaya caqabado amni oo ay sababaan weerarrada kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    11-06-2025

  • 08:33AM