Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey caasimadda Masar

Image
Safarkan ayaa ka dambeeyay kadib markii uu dhigiisa dalkaas ka helay marti-qaad rasmi ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar kadib markii uu dhigiisa dalkaas ka helay marti-qaad rasmi ah.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee labada dal, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas," ayaa lagu bilaabay qoraalka.

Bayaanka ayaa intaas ku daray: "Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab".

Socdalakan ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya kaas oo salka ku haya in Addis Ababa ay heshiis la gashay maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM