Madaxweyne Xasan Sheekh muxuu kala hadlay dhiggiisa Eritrea?

Image
Madaxweynaha JFS ayaa shalay soo gaaray dalka Eriteria oo tababar uga socda cutubyo ka tirsan Ciidanka.

Asmara (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteria Isaias Afwerki.

Labada Madaxweyne ayaa kulanka ay yeesheen uga hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteria Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah.

Kulanka ka dib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteria.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM