Madaxweyne Xasan Sheekh oo ansixiyay Sharciga Hantidhowrka Qaranka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay sharciga Hanti dhowrka guud ee Qaranka.

Sharcigan xasaasiga ah ayaa la jaan qaadaya shuruucda Maareynta maaliyadda guud, Sharciga iibka iyo qandaraasyada Qaranka iyo Shuruucda kale ee hufnaanta iyo horumarinta maamulka hantida Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Xubnaha Aqalka Sare, Xildhibaanada, iyo quburadii kasoo shaqeeyey sharcigan sida hufan ay uga qeyb qaateen horumarinta iyo ansixinta sharcigan.

Mas’uuliin ka tirsan Dowladda ayaa xaqiijiyay in talaabadan ay astaan u tahay dadaalka ee Dowladda Soomaaliya ku bixinayso tayaynta maamulka hantida qaranka si loo dhameystiro barnaamijka deyn cafinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM