Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay safar uu dhawaan ku tagi doono magaalada Addis Ababa

Image
Madaxweynaha ayaa Addis Ababa uga qeyb geli doono shirar kala duwan.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, Xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowlad-Gobolleedka Jubbaland ayaa sheegay in isaga iyo Wafdi uu hogaaminayo ay tagi doonaan Magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in halkaasi ay ka dhacayaan shirar kala duwan sida Shirka Midowga Afrika, Shirka Urur goboleedka IGAD iyo Shirka Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay intii uu ku guda jiray Shirka-Jaraa’id: ”Dhammaan shirarkan waxay muhiim u yihiin Soomaaliya.

“Waxaan shirarkaasi ka jeedin doonnaa Fariinta Dowladda Soomaaliya ee ku wajahan damaca Gurracan ee Dowladda Itoobiya ku hayso Madaxbanaanida Dhulleed ee Soomaaliya.” Ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu intaasi raaciyay: “Soomaaliya lama faragelin karo, in meelaha qaar laga goostana waa riyo oo aan soconeyn.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday la dagaalanka “AS”, iyo hawlaha Dhamaystirka Dastuurka oo doodiisu hadda ka socoto Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM