Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka hor jeedin doono madaxda caalamka ee ku sugan Nairobi

Image
Shirkan ayaa waxaa looga arrinsansan doonaa dhibaatada xooggan ee isbeddelka cimilada.

Nairobi (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi halkaas oo uga qeyb-galayo Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsansan doonaa dhibaatada xooggan ee caalamka ka soo food saartay dhanka cimilada.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo shirkan caalamiga ah, isaga oo soo bandhigi doono saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka cimilada & dadaalka ay dowladdu ku wajahayso abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo la qaadan doonaa qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka soo qeyb-galaya shirkan.

Madaxweynaha ayaa kala hadli doono madaxda kale doorka Soomaaliya ay ku leedahay qorshaha caalamiga ah ee ka hortagga isbeddelka cimilada iyo hiigsiyada horumarineed ee heer qaaradeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM