Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kismaayo soo gaaray

Image
Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland

Kismaayo, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweyne ku xigeenka, Xubno ka tirsan Xukuumadda Jubbaland iyo boqolaal ka mid ah dadka deegaanka.

Booqashada Madaxweynaha ayaa daaran qabsashada deegaannada ku jira gacanta ‘AS’, horumarinta hannaanka Federaaleynta iyo u kuur gelidda xalaadda nololeed ee reer Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la yeelan doonaa Madaxda Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli dalka uu galay marxalad xasaasi ah, kadib markii Baarlamaanka uu furay Dastuurka, waxaana tallaabadan ka soo horjeestay Maamulka Puntland, Siyaasiyiin iyo Madax hore.

Dadka u dhuun-daloola siyaasadda dalka ayaa rumeysan in booqashada madaxweynaha ee Kismaayo uu ka tarjumayo is-maandhaaf keeni kara in dalka uu sii kala fogaado, xilli ay soo baxayaan dhawaaqyada mucaaradka oo ka cabsi qaba in talada dowladda ay ku ekaato Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cadaadis kala kulmaysa joogitaanka Ciidanka Jubaland ee Mandheera

Kenya ayaa ah saaxiib istiraatiji ah oo Jubaland ah, iyadoo KDF ay u adeegsaneyso sida aag buffer ah oo lagula dagaallamo kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 11:28AM

Jubaland: Dowladda federaalka Soomaaliya waxay ka leexatay ajendeyaasha qaranka

Eedeymahan ayaa imanaya iyadoo uu sii kordhayo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.

  • Soomaliya

    02-09-2025

  • 09:22AM