Madaxweyne Xasan Sheekh oo safiirka Shiinaha kala hadlay xiisada ka taagan Geeska Afrika

Image
Safiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan gobonimada midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Beijing (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah la qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao.

Safiirka ayaa inta kulanka lagu guda jiray ku nuuxnuuxsaday taageerada dalkiisa ee ku aaddan gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Intaas ka dib, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee dowlada Shiinaha ay ku garab istaageen qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale oo muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka sida uu hadalka u dhigay.

Fei Shengchao ayaa tilmaamay in Jamhuuriyadda Shiinaha ay u aqoonsan tahay Somaliland in ay tahay qeyb ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay adkeynayso ilaalinta axdiga Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM