Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka

Image
Shirkan ayaa looga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah AS...

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga hadlay dardargalinta hawlgallada ka dhanka ah AS iyo dhammeystirka bixitaanka ATMIS.

Madaxweynaha ayaa dhageystay warbixin ku saabsan qorshaha horumarinta amniga dalka, wuxuuna ku adkeeyay hay’adaha amniga in ay ka dhabeeyaan hirgelinta Habraaca Xakameynta Hubka iyo Rasaasta ee lagu maamulayo dalka, kaddib qaadistii cunaqabateynta hubka.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in guusha laga soo hoyey qaadista cunaqabataynta hubka ay aas-aas u ahayd hirgelinta qorshaha ilaalinta saanadda iyo hubka Ciidamada Qalabka Sida.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka laga dareemayo u diyaargarowga wajigii labaad ee gulufka ka dhanka ah AS ee ka bilaaban doona Dowlad-Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM