Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Caasimadda Sucuudi Carabiya

Image

RIYADH (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, isaga oo ku sii jeeda caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyadh sida lagu sheegay warbaainta dowladda.

Madaxweynaha ayaa booqasho Shaqo & Caafimaad ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi. Sidoo kale wuxuu ku galay qaliin looga sameeyey dhanka garabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyadh uga qeyb gali doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.

Shirkan ayaa looga arrinsan doona arrimo la xiriira dhaqaalaha, waxaana lagu lafa guri doona dagaalka Qasa iyo sida ay wadamada Carabta ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada halkaas ka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM