Madoobe Nuunow oo lagu dilay weerarka Nasa Hablood2

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoone Nuunow Maxamed, ayaa kamid noqday 19 qof oo lagu dilay weerarka Hotel Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho.

Sarkaal katirsan Booliska Soomaaliya, ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay geerida Madoobe Nuunow.

Allah ha u naxariistee wasiirka ayaa lagu dhex-toogtay qolka uu ka degnayaa Hotel Hotel Naasa-Hablood, oo ay ugu galeen rag hubaysan, waxaana lala dilay hooyo iyo canugeeda oo qolkiisa ku cararay markii weerarka uu billowday.

Madoobe Nuunow, oo horey usoo noqday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka KMG ahaa ee dowladdii Madaxweyne Sheekh Shariif, ayaa waxa uu la socday wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaarey Khimiistii lasoo dhaafay.

Waxaa lagu casuumay shir ay wada qaadanayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha maamul goboleedyada, iyo gobolka Banaadir kaasi oo looga hadlayay horumarinta dowladaha hoose.

Dagaal ayaa wali ka socda gudaha Hotel Naasa-Hablood, oo ay ku jiraan rag hubaysan oo lagu qiyaasay inay saddex gaarayaan, kuwaasi oo mid mid u tooganaya dadkii deganaa hotel-ka, iyadoo ciidamada dowladda ay banaanka ku sugan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo Diiday Inuu Ka Jawaabo Gefka Trump u geysanayo Soomaaliya

Isagoo ka hadlayay Shirka 6aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhalinyarada 2025, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in jawaab celin la siiyo Trump.

  • Soomaliya

    03-12-2025

  • 12:38PM

Trump oo Soomaalida ku sheegay “qashin” iyo dad“aan dal lahayn” kadib shir uu la qaatey Golihiisa Wasiirrada

Isagoo ka hadlayay gobolka Minnesota ayuu ku eedeeyay Soomaalida inay “baabi’inayaan…

  • Soomaliya

    03-12-2025

  • 03:18AM