Magaalooyin ku yaalla Soomaaliya oo Fatahaad looga barakacayo [Daawo]

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Tobonaan kun oo qoys ayaa ku barakacay gudaha Soomaaliya kadib markii ay kuu dhufatay deegaanadooda fatahaad xooggan oo ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Magaalo madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne ayaa ah meesha ugu daran, ee fatahaadda ay saameysay, halkaasi oo in ka badan 120,000 oo qof ay ka barakaceen Xaafadahooda bishan.

Fatahaadan ayaa ah midii ugu cusleyd ee sanadihii ugu danbeeyay soo marta Beledweyne iyadoo saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay shacabka, kuwaasi oo kusii fatahay Wabiga.

Dadka qaarkood ayaa u barakacay deegaannada ka baxsan magaalada halka kuwo kalana wali biyaha ku dhax go’doonsan yihiin. Dedaallo lagu samatabixinayo dadkan ayaa la sheegay inuu socda.

Madaxweynaha Maamulka HirShabeella, Cabdi Maxamed Waare ayaa qalya dhaan u diray Hay'adaha caalamiga ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka codsaday inay gargaar bini'aadanimo gaarsiiyaan dhibaniyaasha fatahaadda.

Madaxweyne Waare ayaa kamid ah dadka ay fatahaadda Beledweyne saameynta ku yeelatay, kadib markii uu ku ka xirmay Garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo uu kasoo duuli waayay.

Madaxweynaha HirShabeelle iyo wasiiradiisa qaar oo biyo ku jira Beledweyne

"Waxaan awoodi weynay inaan gargaar gaarsiino meelaha qaar. Garoonka diyaaradaha ma ahan mid shaqeynaya oo diyaarad kuu dagi karta xilligan, oo biyo ayaa jiifa," ayuu yiri Justin Brady oo ah madaxa xafiiska UNOCHA ee Soomaaliya.

Hay'adaha Gargaarka ayaa sheegay in 427,000 oo qoy ay saameeyeen biyaha Roobka iyo fatahaadda wabiga uu ku sameeyay deegaanada uu maro laga soo billaabo Beledweyne.

Waxaa jirta cabsi ku aadan in cudurro ka dhasha Biyaha fatahaadda, iyadoo lagu baaqayo in si deg deg ah loogu gurmado shacabka banaanada jiifa, kuwaasi oo aan haysan hoy iyo cunto.

Justin Brady ayaa intaasi ku daray in Kahor fatahaadaha, dad lagu qiyaasay Shan Milyan iyo Afar Boqol oo Kun [5.4 million] oo qof ay u baahnaayeen gargaar bini'aadanimo, sida cunto, biyo iyo hoy.

Maalmihii ugu dambeeya, waxaa Beledweyne ka socday barakicii ugu xooganaa oo ku saabsan fatahaada uu sameeyay Wabiga Shabeelle, kaasi oo qararka jabsaday markii uu buux dhaafiyay.

Biyaha ayaa si xoowli ah ugu fidaya xafadaha aay ka koobantahay magaalada Beledweyne,waxaana halkaas saga barakacay dadkii ku dhaqanaa oo u guuray duleedka magaalada Beledweyne.

Biyaha ayaa laga cabsiqabaa in aay jaraan wadada weyn ee isku xerta magaalada Beledweyne iyo degaanka Ceel-Jaale oo aay dadku u barakaceen.

Guddi ka kooban 22 xubnood uu hormuud u yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda ayuu Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay gurmad heer-Qaran ah u fidiyaan dadka ay fatahaadda saameysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM