Magaca horjoogii Al-Shabaab looga dilay nawaaxiga Jilib oo la shaaciyay

Image
Ayman ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa abaabulka weerarkii saldhiga Manda Bay Airfield ee Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay Axaddii ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib.

Muqdisho ayaa warisay in howlgalka lagu dilay Macalin Ayman uu ahaa mid ka dhashay wadashaqeyn dhexmartay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

“Dilkiisu waa qodax laga saaray shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay maanta oo Khamiis ah Wasaaradda Warfaafinta.

Macalin Ayman ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaad dhanka mukhaabaraadka ah, waxa uu ku lug lahaa weerarrada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale, Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday meel ku dhow degmada Jilib ay ku dileen hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM oo soo saartey war-saxaafadeed aysan la socon fahfaahin dhameystiran ayaa waxa ay ku sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Horaantii sanadkan, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10 milyan dul-dhigtay Macallin Ayman.

Ayman ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa abaabulka weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday milatariga Mareykanka iyo Kenya ee ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM