Magaca howlgalka badalaya ATMIS oo lagu dhawaaqay

Image
AUSSOM ayaa loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka howlgasho laga bilaabo Janaayo 2025.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa lagu wadaa in uu beddelo howlgalka Midowga Afrika ee xilligaan ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

AUSSOM ayaa loo qorsheeyay in ay Soomaaliya ka howlgasho laga bilaabo Janaayo 2025, kaddib markii la meelmariyay Qaab-dhismeedka iyo Istiraatiijiyadeed ee Howlgallada.

Hawlgalkan cusub ayaa waxaa la sheegay in ay taageero gaar ah siin doonan dowladaha kala ah; Masar iyo Jabuuti, kuwaas oo muujiyay rabitaankooda ah inay taakuleeyaan ciidamadda uu ka koobnaan doono AUSSOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM