Magacyada iyo sawirrada dadkii loo qabtay Qaraxii Zoobe oo la shaaciyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xilli Hal bil ay kasoo wareegatay Masiibadii Zoobe, Oct 13, 2017, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay magacayada iyo sawirrada rag loo qabtey qaraxaasi.

Cabdiraxmaan Yariisow, Wasiirka Warfaahinta Soomaaliya ayaa sheegay Qaraxii Zoobe in hay'adaha amniga ay hayaan Shan nin oo la rumeysan yahay in ay ku lug leeyihiin falkaasi dadka badan lagu dilay.

Yariisow ayaa tilmaamay in raggan markii lagu sameeyay baaritaan la ogaaday inay yihiin kuwii ka mas'uulka ahaa dhacdadii Zoobe.

Wasiirka ma uusan fahfaahin sida lagu soo qabtey eedaysaniyaashan.

Magacyada raggii loo hayo Qaraxii Zoobe, ee dowladdu shaacisay:

Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub)

Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado

Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin NOAH baa la qabtay.

Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.

Abdullahi Abdi Warsame

 Maadey Cismaan Xaaji, Gaariga TM-ka drawalka waday oo isku qarxiyey.

Ugu yaraan 400 oo qof ayaa ku geeriyooday qaraxii Zoobe, oo noqday midkii ugu khasaaraha badnaa oo abid taariikhda ka dhaca dalka Soomaaliya. Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM