Magacyada musharaxiinta guddonka aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia oo ku guda jira diyaargarowga doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa guddiyada qaban-qaabada doorashada loo soo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta u tartamaya xilalkaan.

Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa waxaa u sharaxan saddex musharax kuwasoo ay ku jiraan gudoomiyahii hore ee golaha wakiilada waqtigiisu dhamaadey iyo xildhibaan ka tirsanaan jirey aqalka waqtigiisu dhamaadey.

Musharaxiinta u sharaxan xilka gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ayaa kala ah; Maxamad Cismaan Jawaari, Cabdirashid Maxamad Xidig iyo Cabdifataax Maxamad Ibraahim Geesey.

Musharaxiinta gudoomiyaha 1aad ee aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa ilaa hadda waxaa mahacayadooda warsidaha GO ogaadey:

1-Siciid Xusseen Ciid 

2-Khadiijo Maxamad Diiriye 

3- Cabdiweli Ibraahim Muudey 

4-khaalid Macow Cabdulqaadir 

5_ jaylaani Nuur Ikar

Gudoomiye ku xigeenka 2aad oo maraya 7 musharax ayaa ilaa iminka waxaa na soo gaarey xubnahaan; 

1-Burhaan Adan Cumar 

2- Mahad Cawad 

Tartanka gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka ayaa ah mid siyaasadeysan iyadoo xubnaha musharaxiinta madaxweynaha qaarkood kala tageersan yihiin xubnaha saddexda ah ee u sharaxan xilkaan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Somalia ayaa taggeraya Cabdirashid Maxamad Xidig. Xidig ayaa kasoo jeeda beesha Daarood kuwasoo musharaxiin farabadan u tartamayaan xilka madaxweynaha Somalia.


GAROWEONLINE 

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM