Mahad Salaad: Fahad Yaasiin waa in loo jaro amar soo qabasho

Image
Jawaabta uu ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble u diray ayuu ku sifeeyay "falaad horleh oo uu lasoo shir-tagay".

MUQDISHO, Soomaaliya - Warqadda Fahad Yaasiin Daahir ugu jawaabay dalabkii ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble waa "falaad hor leh oo uu a soo shirtagay," sida uu sheegay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Sharci-dejiyaha oo qoraal kusoo daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa sheegay in agaasimaha hay'ada sirdoonka ka baqayo in haddii dalka uu kusoo laabto uu wajaho xil ka qaadis iyo xarig.

"Haddaba, sida muuqata Fahad isagaa dilay Ikraan Tahliil, kiiskuna isaga ayuu ku cadyahay. Sidaas daraadeed waa in ninkaas xilka qaadis degdeg ah lagu sameeyo, amar soo qabasho ahna loo jaro si sharciga loo horkeeno!," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Hoos ka akhriso qoraalka mudanaha

Fahad Yaasin mar kale ayuu la soo shirtagay falaad iyo ismoogeysiis waxa laga sugayo oo ah in uu raq iyo ruux mid uun meel ku sheego gabadha gacantiisa ku maqan ee Ikraan Tahliil.

Waraaqda Fahad soo qoray waxaa ka muuqata in uu rabo in uu marin habaabiyo kiiska Ikraan Tahliil sidoo kalena uu diido amarkii RW Rooble ee ahaa in uu warbixin dhamaystiran ku keeno muddo 48 saacadood ah.

Guddiga Amniga ee Fahad waraaqdaan ku sheegay sharci ahaan iyo shaqo ahaan midna uma jiro hada. Amniga dalkana mar hore ayuu ku wareegay RW Rooble oo meel Farmaajo ka soo galo arintaan malahan.

Waxaase ka sii daran qof kastana Fahmi karaa in uu ujeedo kale leeyahay marka mas’uuliyiinta waraaqdaan loo diray uu ku soo daray Gudoomiyihii hore Golaha Shacabka Maxamed Mursal.

Waxaa sidoo kale igu maqaalo ah in uu diidanyahay in uu dalka ku soo laabto oo saaxiibadiis waxay sheegayaan in uu ka shaki qabo in hadii uu dalka ku soo laabto Rooble xilka ka qaadi doono lana xiri doono.

Dhammaan mas’uuliyadda maareynta xilligan kala guurka ah waxaa iska leh oo kaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha sida ku cad Qod. 103aad ee Dastuurka KMG ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu mas’uul ka yahay habsami u socodka howlaha Dowladda xilligan kala guur ah isaga ayaana taabbagelinaya in dhammaan hay’adaha Dowladda ku shaqeeyaan si waafaqsan Shuruucda Maamul ee Dalka. Ciddii ku kacda ku tagrifal awoodeed waxaa waajib ku ah Ra’iisul Wasaaraha in uu tallaabo ka qaado.

Haddaba, sida muuqata Fahad isagaa dilay Ikraan Tahliil, kiiskuna isaga ayuu ku cadyahay. Sidaas daraadeed waa in ninkaas xilka qaadis degdeg ah lagu sameeyo, amar soo qabasho ahna loo jaro si sharciga loo horkeeno!


Garowe Online ayaa ogaadey in Fahad ka dhoofay Muqdisho maalmo kahor shaacinta dilka Ikraan. Warsiduhu wuxuu sidoo kale xaqiijiyey in uu gabar uu dhalay wadaad taageera Villa Soomaaliya kula aqal-galay Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM