Mahad Salaad oo Villa Soomaaliya ku weeraray Baraha Bulshada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Salaad, oo kamid ah Gollaha Shacabka ayaa weerar dhanka Baraha Bulshada ku qaadey Villa Soomaaliya, kadib markii maanta qoraal dood dhaliyay lasoo geliyay Facebook been ah.

Qoraal uu soo dhigay Mahad Salaad Boggiisa Facebook-ga, ayuu ku beeniyay inuu leeyahay Facebook-ga lagu soo qoray qoraalka lagu yiri: "Soo dhaweyn qabyaaladaysan ayaa laga diyaarinayaa Garoowe."

Xildhibaanka ayaa farta ku goday Xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre inay soo maleegeen qorshahan uu ku sheegay in lagu sumcad dilayo, sidoo kalena bulshada looga horkeenayo.

"Wax weyn maahan kooxda GEERI iyo GULUF COLAADEED ee 8 February in FACEBOOK iyo PAGES BEEN ABUUR AH inta naga sameeyaan hadana dadka ku aflagaadeeyaan," ayuu ku yiri qoraalkiisa jawaabta ah.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale ku eedeeyay qoraalkan been abuurka ah inuu ka dambeeyo Wariye katirsan BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Catoosh, isagoo dhanka kale balan qaadey inuu soo badhigi doono cida maamusha Facebook-ga beenta ah iyo halka laga soo geliyo qoraallada.

Mahad Salaad oo kamid ah Kooxda Mucaaradka ku ah Xukuumadda Khayre iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkan been abuurka ah kala kulmay dhaleeceyn xooggan, iyadoo dadka ay si aad ah uga falceliyeen.

Villa Soomaaliya wali kama hadlin eedaynta Mahad Salaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM