​Mahdi oo la wareegay sharciga la dagaallanka Musuqa

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khadar) oo maanta xafiiskiisa kula kulmey Wasiir ku xigeenka Wasaarada Cadaalada Soomaaliya Ciise Weheliye Macalin isagoo kala wareegey Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa kasoo la qorsheenayo in la horgeeyo maalinta beri ah Golaha Wasiirada Soomaliya si ay uga doodaan Sharcigan cusub ka dibna ay u ansixiyaan.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahed madaxda iyo shaqaalaha Wasaarada Cadaalada, maadaama ay wakhti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka Musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo,sidoo kalena waxuu tilmamey iney turjumeen sharcigii hore ee Musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

“Waxaan bilowney inaan heshiis caalamiya la sameyno Hay’addaha ka shaqeya arimaha la dagaalanka Musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa,”Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid nqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM