Mahdi oo Somalia ku matelaya Shir ka dhacaya Jordan

Image

MUQDISHO, Somalia - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa maanta oo Arbaco ah wuxuu ka duulay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isaga oo kusii jeeda wadanka Jordan.

Ujeedka safarka ku simaha wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yahay ka qaybgalka ay shir balaaran, kaasi oo ay isugu imaan doonan qaar kamid ah dalalka Carabta.

Shirkaan oo maalmo soconaya, islamarkaana Soomaaliya loosoo diray caasuumaad kasoo qaybgal ayaa diiradda lagu saarayaa arrimo ku saabsan Isbedalka cilimadda aduunka iyo waliba degaanka.

"Waxa aan maanta u dhoofayaa dalka Jordan oo aan kaga qayb gelaayo shir ay leeyihiin madaxda wadamada Carabta oo lagaga hadli doono Is-bedelka Cimillada adduunka iyo deegaanka," ayuu Khadar u sheegay warbaahinta.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in mudada uu shirku socdo ay kasoo baxaan qodobo miro dhal ah, oo ay dan ugu jirto shacabka iyo dalka Soomaaliyeeed iyo caalamka.

Dooda ku saabsan Is-bedalka cilimada caalamka oo soo jiitameysay tan iyo markii lagu saxiixay magaalada Paris sanadkii 2016-kii ayaa kamid ah waxyaabaha ugu culus oo ay isku hayaan awoodaha kownkaan.

Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta dalalka saameynta ugu balaaran ay ku yeelan karto Is-bedalka cilimada, maadaama dadkeeda ay ubadan yihiin Xoolo dhaqato iyo Beeraley ku tiirsan tacabka kasoo go’o Beeraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM