Maraakiib ku xadgudbay biyaha Somaaliya oo dacwad laga gudbiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in xeebaha dalka ay wali ka jiraan kalluumeysi sharci darro ah oo ay geysanayaan maraakiib laga leeyahay dalal aysan xiriir la lahayn.

Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, ayaa xusay in maraakiibta fal-dambiyeedkan caalamiga ah ku lug leh ay ku socdaalaan calanka wadamo kale.

"Dhibaatada xun waxaa nagu haya maraakiib calanka wadamada kale sidata oo aan xiriir la lahayn Soomaaliya iyo maamulada, warbixino ayaan ka gudbinaa, qaarkood waa laga saarey badda, qaarna waa la qabtay".

Maadaama aysan Soomaaliya lahayn ciidamo badeed oo xoogan, howlgal ay dowlado badan ku jiraan ayaa ilaaliyaha xeebaha dalka.

Mr Bidhaan ayaa ku daray: "Dagaal baan kula jirnaa, laakiin dagaalkeena illaa iyo uu ka noqdo mid aan annaga gacanta ku haysano, oo booliis Soomaaliyeed loo dirayo oo soo qabanaya, ma gaarayo meesha la rabey".

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan maraakiib kusoo xadgudbay biyaha Soomaaliya oo ay dacwad ka gudbiyeen.

Mar la waydiiyey in uu carabaabo dalalka, wasiirka ayaa farta ku fiiqay Iran, isagoo ku nuux-nuux saday in maraakiibta dalkan ay si joogto ah ugu soo xadgudbaan Soomaaliya, waxna ka qabanayaan arrintaasi.

"Iran lama nihin wax xiriir ah, marka waxaa jira dalal kale oo lamid ah, balse wadamada ay isku dhow yihiin dekadaheena ayaan kula jirnaa heshiis ah in ay qabtaan markabkii xadgudub sameeya".

Sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta dalalka ugu badan oo ay ka dhacaan kalluumeysiga sharci daradda isla markaana ay ka jirto baahi loo qabo iskaashi wax looga qabanayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM