Marakaynka oo duqeyn ku dilay horjooge taabacsan Iran

Image
Weerarkan ayaa horseeday dilka horjooge ka tirsanaa guutooyinka Hezbollah.

Baqdaad (GO) - Militariga Mareykanka ayaa ku dhawaaqay weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Ciraaq, taasoo keentay in la dilo horjeege taageersan Iran oo ku lug lahaa weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka.

Taliska dhexe ee Mareykanka (Centcom) ayaa war uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in weerarkan uu ahaa mid jawaab u ah weerarrada lagu dilay askarta Mareykanka.

Weerarkan ayaa horseeday dilka horjooge ka tirsanaa guutooyinka Hezbollah oo mas’uul ka ahaa qorsheynta weeraro lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee ku sugan gobolka.

War saxaafadeedka ayaa intaas ku daray, "Ma jiraan wax khasaare soo gaaray dadka rayidka ah."

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM