Maraykanka oo ku dhawaaqay isbahaysi ka hortagaya heshiiskii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Image
Maraykanka ayaa qaba in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka 'AS'.

Washington (GO) - Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay Somaliland, sida uu sheegay afhayeenka Gudiga Amniga Qaranka John Kirby.

Madaxa warfaafinta Gudiga Amniga Qaranka Mareykanka ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Maraykanka ay taageersan tahay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM