Maraykanka oo ku dhawaaqay isbahaysi ka hortagaya heshiiskii Itoobiya iyo maamulka Somaliland

Image
Maraykanka ayaa qaba in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka 'AS'.

Washington (GO) - Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay ururada iyo wadamada ay bah wadaagta yihiin kala shaqeyneyso sidii loo burin lahaa heshiiska sharci darada ah ee dowlada Itoobiya ay la gashay Somaliland, sida uu sheegay afhayeenka Gudiga Amniga Qaranka John Kirby.

Madaxa warfaafinta Gudiga Amniga Qaranka Mareykanka ayaa tilmaamay sida marar badan ay ku celceliyeen in dowlada Maraykanka ay taageersan tahay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sheegay in heshiiska uu carqalad ku yahay dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka ay kula jiraan khawaarijta.

“Xaaladdaan waxa ay keeneysaa qatar amniga Qaranka ah, taas oo ah mid dhiiri gelin karto xagjiriinta Al-Shabaab oo muddo dheer dagaallo arxan daran ka waday gudaha Soomaaliya” ayaa intaas ku daray John Kirby.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM