Maraykanka oo sii wadaya taageeradda Soomaaliya xili ay baxayaan Ciidanka ATMIS

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay sii wadayso taageeradda dowladda Soomaaliya si ay uga adkaato Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa yimid xili Villa Somalia dalbatay hakinta dhimsta ciidamada ATMIS kaas oo ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 19-kii bishan.

Ku-simaha Safiirka Mareykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay la shaqeynta ATMIS iyo ka jawaabista baahiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirto dagaal dalka looga sifeynayo Al-Shabaab, taas oo muhiimad gaar siinaysa in la xoojiyo kaalmda ay dowladdu iyo ciidamada dalka ka heliyaan wadamada Afrika iyo caalamka.

Codsigan ayaa sidoo kale iftiiminaya kalsooni daradda ay mas'uuliinta ku qabaan awoodda ay ciidamadu ku xaqiijinayaan amaanka dalka ka dib ATMIS, arrintaas oo mugdi gelinaysa mustaqbalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM