Mareykanka: Kaligeen ma dabooli karno baahida Soomaaliya

Image
Washington ayaa aduunka ugu baaqdey in ay kusoo biiraan gurmadka bini'aadanimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Howladeenadda gargaarka ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin hoos u dhaca gargaarka bini'aadantinimo xilli dalka uu la daalaa dhacayo abaartii ugu darneyd muddo tobanaan sano ah.

Daalka deeq bixiyayaasha oo ay weheliyaan dhibaatooyin badan oo aduunka ka jira oo sidoo kale u baahan taageero bini'aadantinimo ayaa hoos u dhigi karta heerka lacagaha ay hesho Soomaaliya, sidda ay sheegeen hay'adaha.

Mareykanka ayaa weli ah deeq bixiyaha kaliya ee ugu badan ee bixiya gargaarka bani'aadanimo ee Soomaaliya. Hase ahaatee, Ameerikaanka haatan waxay dalbanayaan in dunida aysan ku fiirsan.

Sarkaal ka tirsan safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa VOA u sheegay in dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ugu deeqday ilaa 1.3 bilyan oo doolar oo gargaar ah tan iyo bishii Oktoobar, 2021.

Mas'uulkan wuxuu sheegay in Washington ay sii wadi doonto inay maalgeliso jawaab-celinta xaalada bini'aadantinimo "adag" ee 2023 - "laakiin ma dabooli karno baahida bini'aadanimo ee Soomaaliya kaligeeda".

"Deeqsinimada leh ee dadka Maraykanku way sii wadayaan ka jawaabida xaaladda bini'aadantinimada, badbaadinta nolosha iyo ka hortagga bilawga macluusha iyo dhimashada baahsan," ayuu yiri sarkaalku.

Wuxuu raaciyey: "Si kastaba ha ahaatee, kaligeenna ma samayn karno shaqada intaas la eg waxaana ugu baaqaynaa dhammaan deeq-bixiyeyaasha inay qaybtooda ka qaataan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen joogteynta iyo kor u qaadida jawaabta bini'aadantinimo si loo hubiyo in gargaarku uu sii socdo heerarka lagama maarmaanka ah".

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay'adaha samafalka ayaa dhawaan dalbaday 2.6 bilyan oo doollar si loogu gargaaro 7.6 milyan oo qof sannadka 2023-ka. Hase ahaatee, illaa haatan lacagtaas si dhameystiran looma wada helin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM