Mareykanka oo $41 milyan horleh ugu deeqay Soomaaliya

Image
Linda Thomas-Greenfield, wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lacagtan uga dhawaaqdey Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Danjire Linda Thomas-Greenfield, wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay oo Sabtida maanta ah timid Muqdisho, ayaa ku dhawaaqday in Mareykanka uu bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dhaqaale ah si loo daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

"Xaaladda bini'aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun," ayay tiri danjire Thomas-Greenfield oo kula hadashay warbaahinta Muqdisho gudaha Xalane. "Isku darka cimilada, dhibaatada COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa erayga naxdinta leh ee macluul dib ugu soo celiyey Soomaaliya".

Thomas-Greenfield ayaa raacisay: "Macaluul waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas. Markii abaartii ugu dheeraatay ee Soomaaliya ay horseedday saadaasha macaluul ee billowga ah, Mareykanka wuxuu qaaday tallaabo".

Tan iyo bilowgii sanad maaliyadeedka 2022-ka, Mareykanka waxa uu Soomaaliya ugu deeqay 1.3 bilyan oo doollar oo gargaar nafo lagu badbaadiyo ah. Taageeradda Maraykanka ee Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Geeska Afrika ayaa sannadkii hore ahayd in ka badan 80 boqolkiiba.

Afar jeer ayaa ka badan tahay taakuladda ay bixiyeen dhammaan dalalka kale marka la isku daro. Gargaarkaasi "wuxuu dadka Soomaaliyeed u keenay cunto, biyo iyo hoy," ayay xustey.

"Iyadoo Mareykanku uu kordhinayo taageerada, wuxuu sii wadaa inuu la shaqeeyo dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda Soomaaliya si loo kordhiyo ammaanka, iyo in la hubiyo in kheyraadka bani'aadamnimada iyo horumarinta ay gaaraan bulshooyinka dhawaan laga saaray al-Shabaab," ayay tibaaxdey.

Deeqda cusub ayaa imaanaysa iyadoo abaartu ay sii xoogeysatay kadib markii uu baaqdey xilli roobaadkii shanaad, taasoo keentay in dadka ay halis ugu jiraan burbur iyo rajo beel kale.

Taakuladan cusub ayaa waxay xoojinaysaa dadaallada ka hortagga macluusha ee Mareykanka iyadoo diiradda la saarayo wax ka qabashada nusqaamaha cuntada, daweynta nafaqo-xumada ba'an ee haweenka iyo carruurta, iyo la dagaallanka cudurrada dilaaga ah ee hadda dillaacay sida jadeecada iyo daacuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM