Mareykanka oo baaq kasoo saarey wejiga 3aad ee shirka Dhuusamareeb

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka oo shaaca ka qaadey in uu indhaha ku hayo natiijadda shirka Dhuusamareeb 3 ayaa ku baaqdey tanaasul, nooc doorasho oo heshiis lagu yahay, iyo coddeynta oo waqtigeeda ku dhacda kororso la'aan.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku booriyey saamileyda in ay si furan u wada hadlaan.

"Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay si xoogan u sugeysaa natiijooyinka kulanka Dhuusamareeb. Baahida loo qabo wada-xaajoodyo loo dhanyahay iyo isu tanaasul daacad ah waa mid muhiim ah," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka kooban ayaa waxaa intaas raaciyey: "Nooca doorashadda waxaa loo baahan yahay in ay ku saleysnaato taageero wadar-ogol ah oo ka timaada Dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah, iyo saamileyda".

"Doorashooyinka waa in ay waqtigooda ku dhacaan, oo aysan dhicin muddo kororsi," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka.

Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa qorshuhu yahay in uu furmo 15-ka bisha August, wallow calaamad su’aal ay dulsaaran tahay in uu xilligiisa ku furmi doono, maadaama aysan muuqan diyaar-garow iyo isu soo dhowaansho.

Nooca lagu galayo doorashadda soo aadan ayaa wuxuu yahay qodobka ugu culus ee shirkaan horyaala. Madaxtooyadda waxay dooneysaa qof iyo cod ah, halka maamul goboleedyadda iyo xisbiyadda ay goobayaan doorasho dadban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM