Mareykanka oo balanqaad horleh u sameeyay Dowladda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka oo shaaciyey in Soomaaliya aysan kali ku noqon doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa balanqaadey in uu sii wadayo taageerada ku aadan ciribtirka argagixisada.

Hadalka kasoo yeeray Washington ayaa kusoo aadaya xili 28-kii December, 2019, uu ka dhacay Muqdisho qarax galaaftay in ka badan 90 ruux.

Donald Yamamoto, danjiraha Mareykanka u fadhiya Muqdisho, ayaa shaaciyey in falkaas uu soo bandhigay "cadowga dhabta ah ee Soomaaliya".

"Hadii aad tihiin dadka Soomaaliyeed, waanu idin kula garab taagan nahay dagaalka ka dhanka ah argagixisadda," ayuu hadalkiisu raaciyey.

Ururka Al-Shabaab oo qaatay mas'uuliyadda dhacdadaas ayaa qiray in dadka ugu badan ee ku naf-waayey ay badankooda ahaayeen shacab.

Cali Dheere, afhayeenka ururkaas gacansaarka la leh Al-Qaacida, ayaa tilmaamay in bartilmaameedkoodu ahaa kolanyo Turki ah.

Ugu yaraan laba kamid ah Injineerada Turkiga ee dhiseysa wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ku geeriyooday dhacdadaas.

Hay'adda Sirdoonka Soomaaliya ayaa shaacisay in qaraxaas qorsheyntiisu lahaa dalka shisheeye, isla markaana baaritaanku ku waddo.

Weerarkii Ex-kontarool Afgooye ayaa ahaa midkii ugu dambeeyay ee sanadkii 2019 ka dhacay Muqdisho, waxaana uu sidoo kale noqday midkii 3aad ee ugu dhimashadda badnaa taariikhda casriga ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM