Mareykanka oo beeniyay inuu dilay dhakhaatiir u qafaalan AS

Image
Labadan qof ayaa ku jiray gacanta kooxda hubeysan tan iyo bishii April 2019 markaas oo laga soo afduubtey Kenya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in aysan ku lug laheyn dilka la sheegay in lagu khaarijiyay labo dhaqaatiir ah oo u dhashay dalka Cuba, kuwaasi oo kooxda Al-Shabaab ay ku eedeysay in ay ku dhinteen duqeynta Mareykanka uu ka fuliyay Soomaaliya bishii February.

Qiimeyntii ugu dambeysay ee waxyeelada rayidka ee saddexdii biloodba mar ay daabacday Taliska Mareykanka ee Afrika, sidoo kalena loo yaqaano AFRICOM, ayaa xaqiijineysa in ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib 15-kii February, balse waxay beeniyeen in duqeynta ay sababtay dhimashada dhakhaatiirta.

“February 17, 2024, talisku waxa uu helay hal (1) warbixin ah ilo war-baahinta online-ka ah oo sheegaysa in laba (2) qof oo rayid ah lagu dilay hawlgal ay ciidamada Maraykanku ka fuliyeen agagaarka Jilib, Soomaaliya, Feb. 15. 2024,” ayaa lagu yiri qiimeynta.

"Talisku wuxuu ku ogaaday dib u eegis lagu sameeyay xogta la hayo, wuxuuna qiimeeyay in duqeyntii Mareykanka ee dhacday Febraayo 15, 2024, aysan ka dhalan waxyeello rayid ah."

Iyagoon wax caddayn ah soo bandhigin, Al-Shabaab ayaa xilligaas sheegtay "duqeyn dhanka cirka ah" inay ku dhinteen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez.

Labadan qof ayaa ku jiray gacanta kooxda hubeysan tan iyo bishii April 2019, markaasoo laga soo afduubay degmada Mandheera ee waqooyi bari Kenya.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM