Mareykanka oo cambaareeyay weerarka ay "AS" ku qaadeen xerada Gen. Gordan

Image
Mareykanka ayaa tacsi u diray ehelada saraakiisha Imaaraatka Carabta ee ku dhintay weerarka.

Muqdisho, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ayaa َqoraal oo ay soo saartay kaga hadashay falkii argagixiso ee ka dhacay xerada Gen. Goordon ee magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka lagu bartilmaameedsaday saraakiisha Imaaraatka Carabta.

Qoraalka Safaaradda ayaa lagu yiri: “َWaxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.”

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu sii sheegay<span;>, “Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan fulaynimada ah, waxaanan ku adkeysaneynaa in aan taageerno dadaallada Soomaaliyeed ee lagu dhisayo nabadda.”

Shalay ayay ahayd markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, uu weerar ka fuliyay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday weerar-kaas Saraakiisha Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM