Mareykanka oo codsi u diray DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada

Image

NEW YORK, US – Dowladda Federaalka iyo maamulada waa in ay sii wadaan wadahadalada iyo in ay wada ogol ka gaaraan dhamaan arrimaha ku xeeran geedi u socodka doorashooyinka, sidda uu ugu baaqay Mareykanka.

Kelly Craft, ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo dalabkaas u dirtay xukuumada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, ayaa hoosta ka xariiqdey ahmiyada ay leedahay in coddeynta aysan dib u dhicin.

"Waxaan ka dalbaneynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wadaxaajoodyadda iyo in ay wada ogol ka gaaraan dhamaan arrimha ku geedaaman geedi u socodka doorashooyinka, laga bilaabo gudiyadda maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka," ayay ka sheegtay Kulanka Golaha Amaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Baaqa Washington ayaa imaanaya xilli uu is-mari-waa ka taagan yahay guddiyadda maamulaya coddeynta. Murashaxiinta waxay sheegeen in xubnaha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay faragelisay dowlada.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku xuseen in dowladda ay guddiyadaas ku dartay saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed, waxaana ay cod dheer ku codsadeen in meesha laga saaro si dhexdhexaadnimada loo xaqiijiyo.

Murashaxiinta oo maalintii afaraad ku shirsan Muqdisho ayaa la filayaa in ay soo saaraan bayaan ay ku caddeynayaan talaabooyinka ay qaadayaan hadii dowladda ku adkeysato xubnaha ay haatan kusoo darsatay guddiyadda.

Is-qabqabsigaan ayaa horey u baajiyey jadwalkii ay horey ku heshiiyeen dowladda iyo maamulada kaasoo xeerinayey in xulista Xildhibaanada ay bilaabato 1-da November, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka uu sii xoogeysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM