Mareykanka oo dhaliil dhanka amniga u jeediyay DF xilli walaac uu jiro

Image

WASHINGTON, US – Inkasta oo ay hesho taageero tababaro, qalabeyn, iyo latalin, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wali horumar ka sameyn dhanka tayeynta ciidamadda ammaanka, sidda uu ku dhaleeceeyay Mareykanka.

Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika oo dhaliishaas u jeediyey xukuumadda Muqdisho ayaa wuxuu walaac ka muujiyey awooda Al-Shabaab.

"Garabka Al-Qaacida ee Al-Shabaab wali waa kuwa iska cabin sameyn kara, abaabuli karana weeraro ay ku beegsadaan danaha reer Galbeedka iyo xulafooda ee Soomaaliya iyo Geeska Afrika," ayaa yiri taliska AFRICOM.

Sidda laga soo xigtay warbixin lagu daabacay bogga internet-ka ee taliyaha guud ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka, Al-Shabaab oo xubnaheeda lagu qiyaaso 5-kun illaa 1-kun wali way ku xoogan tahay furimaha dagaalka.

"Mareykanka iyo Beesha Caalamka waxay sii wadaan in ay tababaran, lataliyaan, qalabeeyaan ayna barataaraan ciidamada Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya, sikastaba, wali horumar ka sameyn dhismaha ciidamada ammaanka," ayaa lagu yiri qormadda wasaaradda.

Warbixinta ayaa la raaciyey: "Mareykanka wuxuu kala shaqeeyay dowladda Soomaaliya dib-u-eegida qorshaha amniga ee kala guurka ah".

Qorshaha amni ee kala guurka ah wuxuu xeerinayaa in ciidamada Soomaaliya ay dhamaadka 2021 mas'uuliyada kala wareegaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, balse waxaa la odorasayaa in uu dib-u-dhici karo.

Ammaanka ayaa kamid ah caqabadaha waaweyn ee horyaala dowladnimada Soomaaliya, iyaddoo Al-Shabaab ay tahay jidgooyada ugu culus waxaana laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeelato doorashooyinka soo aadan ee 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM