Mareykanka oo dib u bilaabay kaalmada Ciidamadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mareykanka ayaa shaaciyey in asbuucaan uu dib u bilaabay taageerada Ciidamada Soomaaliya, talaabadaas oo uu ku xoojinayo howlgalada argagixiso la dirirka ee Shabeellaha Hoose.

Ryan Grizzle, afhayeenka safaarada Mareykanka ee Muqdisho, oo warkaan ku dhawaaqay ayaa sababta ku sheegay dib-u-habeyn lagu sameeyay maamulka maaliyada hogaanka Ciidamada Xoogga.

"Talaabadaas waxay sarre u qaadey kalsoonida uu Mareykanka ku qabo in uu isla xisaabtan ku sameeyo deeqaha uu bixiyo," ayuu raaciyey Grizzle.

Dowladda federaalka ayuu ku waaniyey in ay xooga saarto dib-u-habeynta Hay'addaha Ammaanka si gaar ah maamulka iyo Khayraad, arrintaasna ay qayb ka tahay dhismaha ciidan xirfad leh oo lagu xisaabtamo.

"Iyadoo arrimaha socda ee dib u habeynta Ciidamadda ay muhiim yihiin, Mareykanka wuxuu sii wadayaa taageerida howlgalada ciidamada ee diirada saaraya wiiqitaanka argagixisadda," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, xukuumadda Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda ayuu soo jeediyey in heshiiyaan isla markaana dib u bilaabaan wadashaqeynta.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Mareykanka uu joojiyey taageerida Ciidamadda Xoogga Soomaaliya ee saadka iyo sahayda "kadib markii ay u cadaatey in musuqmaasuq baahsan lagu sameeyay kaalmo uu siiyey ciidanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM