Mareykanka oo dib-u-eegaya taageerada uu siiyo Danab

Image
Talaabadan ayaa la xiriirta wararka sheegaya in askar kamid ah kumaandooskan ay ka dagaalameen Guriceel.

MUQDISHO, Soomaaliya — Mareykanka ayaa sheegey inay ka fiirsanayaan taageerada ay siiyaan Ciidanka Danab ee Soomaaliya, sida ay warisay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da.

Arrintan ayaa ka danbeysey kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in Ciidamada Danab ay ka qeybgaleen dagaaladii maaalmihii dhawaa ka socdey magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dagaalladan ayaa u dhexeeyey ciidamo taageersan Ahlu-Suna iyo maamulka Galmudug oo taageero ka helaya ciidamada xooga dalka ee Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan safaarada Mareykanka ee Soomaaliya oo ka jawaabayey dalab ay VOA-du ku weydiineysey sida ay u arkaan ku lug lahaanshaha ciidamada Danab ee dagaalka Guriceel ayaa sheegey in ay Mareykanku la socdaan wararka sheegaya in ciidamada Danab ay ku lug lahaayeen dagaalka Galmudug.

Waxaa kale oo ay sheegeen in ay arkeen warar ay warbaahintu ka qortey in taliye Cabbdilatiif Fayfle iyo askar kale oo ka tirsan dhinacyadii dagaalmayey lagu diley weerarkaas, ayna tacsi gaarsiianayaan qoysaska iyo ehellada dhamaan dhinacyadii uu saameeyey weerarkaas.

Qoraalkan uu VOAda ugu jawabayey sarkaalka katirsan safaarada Mareykanka ayaa sidoo kale loogu baaqey in dhamaanba dhinacyada dagaalamaya ay joojiyaan howgallada Milatari ayna qaataan dhabaha wada-hadallada siyaasdeed oo lagu gaaro xal nabadeed.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu xusey in Mareykanku ay siiyaan tababro iyo taageero kaleba ciidamada xooga dalka qeybtooda Danab si ay u gaaraan hadafka ay wadaagaan ee ah sidii looga adkaan lahaa Al-Shabaab.

Sarkaalka ka tirsan safaaradda Mareykanka ayaa sheegey in iyagoo eegaya dagaalkii Guriceel ay dib u eegi doonaan taageerada ay siiyaan Danab, si loo xaqiijiyo in taageeradaas loo adeegsado si ku haboon kuna qaabeysan siyaasadda iyo ujeedooyinka Mareykanka.

GO + VOA

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM