Mareykanka oo digniin kasoo saarey banaanbaxa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee fadhigeedu yahay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho waxay dadka haysta dhalashadda Ameerika ay u dirtey digniin la xiriirta banaanbaxa magaaladda Muqdisho.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo kasoo baxay safaaradda, muwaadiniinta Ameerikaanka ah waa in ay ka fogaadaan nawaaxiga fagaaraha Daljirka Daahsoon oo qorshuhu yahay in mudaaharaadka uu ku qabsoomo.

Bayaankan uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in digniintan ay la xiriirto in ay dhici karaan fal dambiyeedyo iyo rabshado ay waxyeelo kasoo gaarto dadka Mareykanka ah.

Iyadda oo tallooyin siineysa dadka Ameerikaanka ah ayay safaaradda ku dartey "si dhow ula socda warbaahinta gudaha nala soo xiriir hadii aad dareento halis baaxad wayn".

Maalinta berri oo Jimce ah ayaa lagu waddaa in xubnaha Midowga Musharaxiinta ay isu-soo-bax balaaran ka dhigaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho kaasoo ay ku dalbanayaan doorashooyin daahfuran.

Wararka laga helayo qabanqabadii ugu dambeysay ee dibad-baxa ayaa muujinaya in xarumaha Musharaxiinta ay ka socoto diyaar-garow ballaaran isla markaana ay heegan geliyeen agab caafimaad iyo dhakhaatiir si looga taxadaro safmarka Covid-19 iyo halis kale.

Mareykanka ayaa inta badan wuxuu muwaadiniintiisa talooyin marka wadamadda ka baxsan USA ay kasoo cusboonaato xaalad hubanti la'aan ah iyo mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda waqtiga ka dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM